DHAGEYSO:- Xaalada nololeed ee degmada Yeed oo laga deyrinayo

0

Cabdi Saadaq Dubane, gudoomiyaha degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay xaalada nololeed ee ka jira degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Gudoomiyaha degmada Yeed, wuxuu sheegay in xaalada nololeed ee ka taagan deegaanka ay tahay mid liidato, loona baahan yahay in wax loo qabto dadka halkaasi ku dhibaateysan.

Maamulka degmada Yeed ayaa sheegay in maamulka koofur Galbeed aysan waxba kala socon dhibaatada ka taagan deegaanada hoostaga degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Hayadaha caalamka iyo dowlada Soomaaliya ayuu ka dalbaday iney wax u qabtan dadka dhibaateysan ee kusugan deegaanada degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Halkaan ka dhageyso