DHAGEYSO:- Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo sheegay in aysan masuul ka ahayn amniga Muqdisho

0

Taliyaha Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed general C/raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa sheegay in amniga gobolka Banaadir ay masuul ka yihiin Madaxda Gobolka Banaadir.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xaqiijinta iyo sugida amniga gobolka banaadir laga rabo Maamulka Gobolka Banaadir. Isla markaana Hay’adaha amniga ee gobolka lagula xisaabtamayo amniga gobolka.

Waxa uu tilmaamay in taliska nabada sugida soomaaliya uu diyaar u yahay in uu caawiyo Hay’adaha amniga gobolka balse aan lagula xisaabtameyn sugida amniga gobolka.

Sidoo kale Taliyaha Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed general C/raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa sheegay in Taliyeyaasha booliiska iyo nabad sugida ay aadaya goobaha Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin dalka balse aysan ku mashquuli doonin amniga gobolka.

Waxa uu xusay in amniga gobolka lagula xisaabtamayo Madaxda gobolka Banaadir, waxa uu xusay in hada ka dib ay aadayaan furumaha dagaalka iyo sidii ay Al-Shabaab ugu saari lahaayeen guud ahaan dalka.

Hadalkaan ayuu Taliyaha Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed general Tuur yare ka sheegay kulan amniga loogu hadlaayay oo lagu qabtay magaalada muqdisho, waxaana kulankaasi laga soo saaray go’aano la xiriira sugida amniga gobolka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-