DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Dabaalada Soomaaliya oo Shiinaha Baaq u diray

0

Guddoomiyaha Ururka Sawirada ama Dabaalada Soomaaliyeed Xasan Cilmi Dalab oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay Aqoon waayeen wax ku iibsiga Lacagta Dollarka Mareykanka islamarkaana Lacagihii ay yaqaaneen xilligaan aysan ka soco Soomaaliya,kuwaas oo kala ahaa 100 Shilin,50 Shilin,20 Shil,10 Shil iyo waxii lamid ah.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay Guddoomiye Dalab in ay Sameeyaan Lacag uu Dalku leeyahay si looga maarmo Isticmaalka Lacagaha Qalaad.

Dowladda Shiinaha ayuu ka Codsaday in ay Raashin Bisil oo ay Cunaan Ururka Sawiradda Soomaaliyeed ay u soo dhiibto,hadii aan loo sameyneyn Lacagtii ay yaqaaneen.

Halkaan ka dhageyso