DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in dagaal gaar ah lagula jiro Caasimada muqdisho

0

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale ku celisay in dagaal gaar ah lagu jiro amniga iyo hormarka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada muqdisho dagaal gaar ah lagu jiro.

Waxa uu tilmaamay in maalin walbo la qarxinayo goobaha muhiimka ah ee caasimada muqdisho iyo meelaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay in shacabka muqdisho loogu baahan yahay in ay ka tashadaan sidii ay ugu hor tagi lahaayeen dadka dagaalka gaar ah kula jiro magaalada muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-