DHAGEYSO:- Taliyihii nabad sugida ee Degmada Hobyo oo iscasilay ka dib markii uu la kulmay cadaadis badan

0

Taliyihii nabad sugida Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Cilmi Cawaale  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu u haayay Maamulka degmada Hobyo iyo guud ahaan Maamulka Galmudug.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan markii horeba ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay isla markaana aan lagala tashan magacaabistaai.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu qabto ama uu ku shaqeeyo xilka loo magacaabay ee ahaa Taliyaha Nabad sugida ee Degmada Hobyo.

Waxa uu xusay in ay muhim tahay in cid walbo oo xil loo magacaabayo in lagala tashado ka hor inta aan loo magacaabin Xilka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-