DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo si kulul ugu hadlay Tacadiyada AMISOM ay u geystaan shacabka soomaaliyeed

0

Waxaa la og yahay dhibaatooyin ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga inay ugeystaan Shacabka Soomaaliyeed taasi oo wax laga qabtayna weli la arkin.

Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh oo dadweyne fara badan kaga jawaabayey Su’aalo furan oo lagu weydiinayey Barnaamij Siyaasadeed ka dhacay Muqdisho ayuu wax badan kaga hadlay Xaalada Soomaaliya.

Qof ka mid ah dadkii Su’aalaha weydiiyey Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu soo hadal qaaday Tacadiyada AMISOM geystaan iyo xisaab la’aanta isagoo Xasan Sheekh uu si deg deg ah usheegay in jawaab lagu farxo loo soo bandhigi doono.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Soomaaliya inay hay’adaha ku shaqada leh ay wax ka weydiin doonaan dhibaatooyinka AMISOM iyo Sharciga ay Soomaaliya uyimaadeen sababaha keenay inay jebiyaan isagoo tibaaxay in Ruux Soomaali ah inay dilaan in looga aamusi doonin.

Sidoo Kale Madaxweyne Xasan waxa uu soo hadal qaaday Arinta Musuq maasuqa Ee Soomaaliya Kaalmaha Hore ka gashay Caalamka waxaana uu been abuur ku sheegay hay’ada warbixinta diyaarisay islamarkaana ay aaminsan yihin in hay’adu sameysay wax ka bad badin ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-