War Deg Deg Ah:Shirkii Dib U Heshiisiinta Jubbaland Oo Beri Ka Furmaya Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka uu ka furmayo beri magaalada Kismaayo.

Warkan naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shirka dib u heshiisiinta uu beri ka furmayo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale Kullan ay maanta yeesheen Mas’uuliyiinta beesha Sade ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa si buuxda la iskugu raacay in laga qayb galo shirka dib u heshiisiinta Jubbaland, sidoo kale Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa iyaguna iminkan dhankooda ku guda jira diyaar garowga soo dhaweeynta wafdiga balaaran ee maalinnimada beri ah uga imaanaya magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo waxaa la oran karaa waa abid markii ugu horeysay ee Waxgaradka iyo Mas’uuliyiinta dadka daga deegaanada gobolada Jubbooyinka in ay si wada jir ah ugu kacaan nabadeynta, midnimada iyo horumarka Jubbaland, waxaana dadka daga goboladaas ay shirkan ka filayaan inay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo waxtara dhamaan dadka iyo deegaanada Jubbaland.

shir1

 

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media