CADEYN:- KASHIFAAD- Waran Cadde shalay Aflagaado maantana baryo// Aqri Warqad Wasiirka arimaha gudaha Somaliland uu u soo diray Dowlada Soomaaliya

0

Warqad qoraal ah oo seddex bil ka hor kasoo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha maamul goboledka Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa waxaa loo soo diray dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warqada ayaa muujineysa sida Somaliland aysan kaga maarmin Soomaaliya inteeda kale oo ay inta badan dalalka caalamka ku aadaan Baasaboorka dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warancadde ayaa qoraalka uu usoo diray dowlada Soomaaliya ku dalbanayay in dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland loo fududeeyo helitaanka Baasaboorka dowlada Soomaaliya.

1