WAR DEG DEG:- Ciidanka Somaliland oo fariisimo muhiim ah baneeyay+Xiisad taagan

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen Dad lagu kalsoon yahay waxa Saaka Ciidanka Maamulka Soomaaliland ay iskaga baxeen Fariisin ay muddooyinkii dambe kusugnaayeen.

Ciidanka Soomaaliland ayaa ka baxay Deegaanka Balicad oo hoostaga Gobolka Sool iyagoo dhawaan halkaasi qabsaday.

Lama sheegi karo waxyaabaha soo dedajiyey inay ciidanka Soomaliland ka baxaan Saldhigaasi ay ka sameysteen Deegaanka Balicad.

Ciidanka Soomaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo ayaa maalmahan dambe waxa xiisadooda ay ka jirtay Deegaano katirsan Gobollada Sool iyo Sanaag waxaana sidoo kale jirtay in dhawaan uu dagaal ku dhexmaray deegaanada Balicad iyo Kala beyr oo katirsan Gobolka Sool.