WAR DEG DEG:- Ciidamada Kenya oo isaga Baxay deegaanka Ceel-cadde iyo Deegaano kale….

0

War hadda ku soo dhacay Warqabadka Allgalgaduud.com ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka bexeen Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Geddo.

Ila wareedyo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Goordhow la hadlay Allgalgaduud.com ayaa noo Xaqiijiyey in Ciidamada Kenya ay ka bexeen Deegaankaasi oo ah halkii dhowaan lagu laayey Ciidamo badan oo Kenyaan ah.

Sidoo kale Ciidamada Kenya ayaa ka baxay Degamada Baardheere ee isla gobolkaasi.

Waxa jira dhaq dhaqaayo kale oo Ciidamada Kenya ay ka wadaan Gobolkaasi taas oo laga yaabo inay kaga baxaan Deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi, sida ay Allgalgaduud ogaatay.

Wixii ka dambeeyey Markii Ciidamada Kenya lagu laayey Weerarkii Al-shabaab ku qaaday Saldhigii Ceel-Cadde waxa jiray Qilaaf soo kala dhex galay Kenya iyo AMISOM, waxana talaabadan laga yaabaa inay la Xariirto Arrintaas.