TOP NEWS:- Shirka Madasha Qaran oo Muqdsho lagu soo Xirayo maanta

0

Waxaa maanta lagu wadaa  in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya  lagu soo xiro Shirka Madasha Qaran ee lagu Go’aaminayo Nuuca Doorasho ee Dalka ka dhaceysa Dabayaaqada Sanadkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay galab Shirkaan ka furay Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana Goobjoog ka ahaa Hogaamiyaasha Soomaalida iyo sidoo kale Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Sidoo kale  waxaa Madaxtooyada Soomaaliya Xalay ilaa Saaka ka soconayay Kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa uu Qorshahu yahay in laga soo Saaro  War-murtiyeeed lagu heshiiyay Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa dabayaaqada Sanadkaan.