Mudane Maxamuud Cali Magan Waad Ku Mahadsan Tahay Sida Geesinimada Leh Ee Aad Ugu Taagan Tahay Didaaca Danaheena Siyaasadeed,Dadkeena Iyo Deegaanadeena.

0

Afeef: Mudane Xildhibaan Maxamuud Cali Magan waa shaqsi aan xurmad weyn u hayo waalidna ah, balse waalidka qudhiisa waxuu ku qaldan yahay waa laga qabtaa, waxuu ku saxan yahay waa lagu taageeraa.

Hadaad horey u arki jidheen anagoo qalinka u sidana Mudane Xildhibaan Maxamuud Cali Magan waa maruu wadada toosan ee xalaasha ahayd ka leexday, balse maanta arka anagoo qalinka ugu hiilinayno kuna qorayna amaantiisa iyo waxuu dadkiisa iyo deegaanadiisa u qabtay amaba u yahay, run ahaantii waa waajib muqadas ah oo saaran Mudane Xildhibaan Maxamuud Cali Magan inuu difaaco danaha Soomaali weyn sidaa si le’egna waxaa waajib muqadas ku ah inuu difaaco danaha, dadka iyo deegaanada uu kasoo jeedo, garashadu nin walbaa ma helo, waana sheey qaaliya oo Alaah Subxaanahu Watacaalaa ayaana adoomihiisa siiya ama ugu deeqa, anigoo ku hadlaya magaca Bulsho weynta Gedo, Galguduud iyo Jubbooyinkaba waan uga mahanaqayaa Xildhibaan Magan sida geesinimada iyo damiirka wanaagsan ee uu mar walbaa ku difaacayo dadkeena iyo deegaanadeena.

Waa Waajib qofka aadanaha ah wanaaguu sameeyo in la xuso lana gaarsiiyo waxmagaratada, haduu qofkaasi yahay waalidkaa ama walaalkaana waa inaad sii laba jibaartaa amaanta wanaaga uu sameeyay, Xildhibaan Magan maanta waxuu noqday Geesi Bulshadeena Usoo Baxay, sababtaa sidaa u leeyahayna waa 14-ban Xildhibaan baan ku leenahay baarlamaanka federaalka ah sadex uu Xildhibaan Magan ku jiro  marka laga reebo 11-ka kale waligiin miyaa maqasheen? bal yey yihiin, xagee jiraan, yey matalaan?

Mudane Xildhibaan Maxamuud Cali Magan Adeer ninka ragga ah ee geesiga ah marbuu dhintaa ee laba goor ma dhinto, fuleygana kun jeer ayuu dhintaa, qadarta Alle waa qoran tahay, balse halganka aad wado adoo ku guda jira hadaa geeriyooto ogoow nagama aadan dhimanee waad naga dhuumatay, waxaan kaa dhaxleynaana dhiraanaan dheeri ah, Gobanimo iyo Guul waarta oo ay ku doogsadaan dadkeena iyo deegaanadeenaba.

Waxaan ku gula talinayaa Mudane Xildhibaan Maxamuud Cali Magan adeeroow oo kaliya waxii tagay waad iska meydhay ee horey usoco dhabaha xalaasha ah ee aad haysana marnaba haka leexan xataa haddii qudha lagu jarayo, sababtoo ah magac, xil iyo xoolo dhamaantood kaama maqna maanta ee waxaa kaa maqan maanta waa dad iyo deegaano.

Gabgabadi waxaan rajeenaynaa hadduu alle idmo Adeer in aad qaadan doonto amaanteyda, mahadnaqeyga iyo talada aan kuu soo jeediyay, sida u dhaqsiyaha badana  aad usii sadex jibaari doonto dadaalka aad ugu jidho difaaca danaheena siyaasadeed, dadkeena iyo deeganaadeena.

Geesi Bulshadeena Usoo Baxay Ayaa Tahay.

Mahadsanid

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
email.nurugas@gmail.com