TOP NEWS:- Maxkamada Sare ee Dalka oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya

0

llaa 22 xisbi siyaasadeed ka jira dalka ayaa u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka dacwad ka dhan ah Ra’isal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar c/rashiid Cali Sharmaake iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Gal dacwadeed ay ku saxiixnaayeen Mas’uuliyiinta 22 Xisbi siyaasadeed ayaa waxaa guddoomay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf, waxaana gudbiyay 8 xubnood oo wakiil ka ahaa 22-ka xisbi ee saxiixday dacwada.

C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa ka hor aqriyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dacwadaas ay dulucdeedu tahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ay jebiyeen dustuurka Soomaaliya, ayna ka hor-taagan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xisbiyada Siyaasadeed xuquuqda uu u ogol yahay Dustuurka oo ah in la sharciyeeyo Xisbiyada Siyaasadeed, iyadoo muddo sanad ku dhow ay Hindise sharciyeedkii Xisbiyada Siyaasadeed ay meer-meerinayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha

Hadaba Hoos ka Aqriso qoraalka Xisbiyada:-

qor 1

qor 2