DHAGEYSO+TOP NEWS:- Maxaa ka soo kordhay Shirarka ka soconayo Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka socda shirka gaarka ah ee u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ka jiray waxauuna shirkaan hor dhac u yahay shirweyne lagu shaacinayo nooca doorasho ee Dalka ka dhaceyso Marka Dowlada hada jirta uu watigeeda dhamaado.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay Madaxda ku shirsan muqdisho ay isku fahmi la yihiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso iyo qaabka lo maareynayo.

Sidoo kale Madaxda Dalka ayaa isku khilaafsan sida loo dhisayo aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo sida loo soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Masuul kasta oo ka tirsan Dowlada ayaa waxa uu jecel yahay in aragtidiisa la qaato balse taasi ma dhicin oo weli waa la isku dhagan yahay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-