DHAGEYSO+AQRI:- Taariikhda Rug cadaagii saxaafada Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon

0

 

Waxaa xalay Abaarihii 04:00 habeenimo (Salaadda Subax ka hor ee Xilliga Bariga Afrika) Isbitaalka Daaru Shifa ee magaalladda Muqdisho ku geeriyooday Allaha U Naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Kaadiriintii Saxaafadda ee Sooyaalka fiican ku leh Taariikhda Saxaafadda Somalia.

Marxuumka oo da’diisa lagu qiyaasay Ku-dhawaad 80 jir waxa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun dhinaca Neef-mareenka.

Walaalkiisa Abuukar Xaaji Goobdoon oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu Walaalkii ku dhashay Degmadda Jigjiga ee dhulka Soomaalida Galbeed, isla markaana uu muddo dheer ku soo jiray Hawlaha Saxaafadda, isagoo sannadkii 1961-kii ku biiray Idaacadda Radio Mogasdishu.

Abuukar Xaaji oo isagana ah Saxafi ka hawlgala Telefishinka Qaranka ee SNTV waxa uu tilmaamay inuu Walaalkiisa ka soo shaqeeyey Laanta Afka Soomaalida ee Idaacaddii Radio Mosko ee Dalweynihii Midowgii Soofiyeeti (USSR) muddadii u dhexeysay 1963-kii ilaa 1971-kii.

Allaha U Naxariisto Cabdi Xaaji Goobdoon waxa uu sannadkii 1971-kii ilaa 1981-kii ahaa Weriyihii Gaarka ee Madaxweynihii Dowladdii Kacaanka, Marxuum Jeneral Maxamed Siyaad Barre.

Waxaana Xilkaasi kaga dambeeyey Allaha U Naxariistee Weriyihii Caanka ahaa ee  Axmed Xasan Cawke oo dhowr bilood ka hor ku geeriyooday magaalladda Jigjiga.

Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon waxa kaloo uu Xilal ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ku soo barbaaray, isagoo ka gaaray Darajadda Agaasimaha Guud ee Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladdii Kacaanka.

Waxaa kale oo loo magacaabay inuu Xil ka qabto Wasaaradda Arrimaha Dibedda xilligii Kacaanka, balse ma u shaqo tegin, sida uu sheegay Abuukar Xaaji Goobdoon.

Haatan waxa uu ahaa La-taliyaha Dhinaca Saxaafadda ee Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka ilaa iyo haatan waxa uu Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon ku sugnaa magaalladda Muqdisho, wuxuuna diiday inuu Dibed-ku-noole noqdo.

Allaha U Naxariistee, Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon waxa lagu tilmaami karaa Khabiir Saxaafadeed oo Rabbi hibbo u siiyey Codkarnimo, wuxuuna inta badan ahaa Saxafi Qunyar-socod ah oo Aqoontiisa uga faa’ideeya Suxufiyiinta da’da yar ee ka hawlgala Warbaahinadda ka dhisan guud ahaan Somalia, gaar ahaan kuwa ka hawlgala magaalladda Muqdisho.

Allaha U Naxariisto Cabdi Xaaji Goobdoon. =Aamiin Allahayow=

Halkaan hoose ka dhageyso walaalkiis oo ka taariikheynaya