DHAGEYSO:- Xiisada u dhaxeyso Somaliland iyo Khaatuma oo wali ka taagan deegaano ka tirsan Sool iyo dagaal laga Cabsi qabo

0

Xiisad u dhaxeysa Ciidamada maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa weli ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sool, taasi oo ka dambeysay ka dib dagaalo u dhaceeyay Ciidamada Somaliland iyo Khaatumo dhexmaray.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay Maanta isaga baxeen Saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Bali-cad oo ka tirsan Gobolka Sool.

Dadka deegaan ayaa sidoo kale inoo sheegay in ilaa hada aysan jirin cid ku sugan Saldhigyada ay baneeyeen Ciidamada Maamulka Somaliland.

Midka ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sharaxaya qaabka ay Ciidamada Somaliland isaga baxeen Saldhigyada.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa Xiisado colaadeed u dhaxeeyay maamulada Khaatumo iyo Somaliland, waxayna isku heystaan sida la sheegayo Maamulka deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-