DHAGEYSO WAREYSI:- Dadkii ka barakacay deegaanka Ceel Cade oo dib ugu laabtay iyo Al-Shabaab oo la wareegtay

0

Degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo oo ay Ciidamada Kenya isaga baxeen Saaka ayaa hadda waxaa dib ugu soo laabanaya dadkii ka barakacay halkaasi.

Qaar ka mid ah dad maanta dib ugu laabtay Ceel Cadde ayaa sheegay dadku ay soo laabteen, walina socota soo noqoshada.

Ururka Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay digaanka,waxaana ay meel isugu keeneen dadka degaanka iyaga oo khudbado ka jeedinaya halkaasi.

Ciidanka Kenya ayaa Ceel Cadde lagu weeraray 15 kii Bishan,waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare ilaa hadda ay labada dhinac si kala duwan u sheegayaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Askar ka badan 100 ay ku dileen weerarka halka kuwo kalena ay nolosha ku qafaasheen,dhanka Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in 4 Askari lagu dilay Weerarka 80 kalena uu dhaawac ka soo gaaray,kuwaas oo la geeyay Nairobi.

Hoos ka Dhageyso Wareysigi:-