DHAGEYSO WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo la wareegay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay ka baxeen saaka ciidamada Kenya+Isgaarsiinta oo hawada ka maqan

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Kenya ay Xalay halkaa iskaga baxeen,waxaana dib ula Wareegay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Warbaahintooda ku soo qoray in ay la Wareegeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ka gadaal markii ay iskaga Ciidanka Kenya.

Degaanka Ceel-cadde ayaa waxaa Al-shabaab ay ku Weerareen Ciidamada Kenya 15-kii Bishaan,waxaana ay sheegeen in ay ku dileen dagaalkaasi 100 Askari oo Kenya ah.

Isgaarsiinta Degaanka ceel-cadde ayaa hawada ka maqan,iyadoo ay Adag tahay in Xog intaa dheer laga helo.

Halkaan ka dhageyso