DHAGEYSO:- Ilka Xanaf oo ku amray Ra’isal Wasaare Cumar C/rashiid inuu ka Jawaabo Dacwadii laga gudbiyay

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Caydiid Cabdllahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in ay soo gaartay dacwad ka dhan ah Ra’isalwasaare Cumar iyo Wasiirka arrimaha gudaha C/Raxmaan Odawaa,taas oo ay u soo gudbiyeen Xisbiyada ka jira Dalka.

Shalay ayay 22 Xisbi kulan ay ku yeesheen Muqdisho,waxaa ay Gal Dacwadeed Ashtako ah ay ka gudbiyeen Ra’isalwasaare Cumar iyo Wasiir Odawaa kadib markii lagu eedeeyay in ay iyaga hor istaageen in la meel mariyo Xeerka Xisbiyada Dalka.

Caydiid Ilka Xanaf,waxaa uu Ra’isalwasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha ugu baaqay in ay dacwaddaasi si deg deg ah jawaab uga bixiyaan.

Waxaa uu sheegay in haddii Jawaabtaasi laga heli waayo Labada Masuul ay Dacwadda u gudbi doonto Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Hoos ka Dhageyso Codka Ilka Xanaf:-

https://www.youtube.com/watch?v=7A-6mQei-TQ