DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka oo Deg Deg Muqdisho ugu soo laabtay, ka dibna booqday Xeebta liido

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo ku Xigeenadiisa ayaa waxay Maanta koomeereen dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo Keysaneey , kuwaasi oo ku soo dhaawacmay Weerarkii ka dhacay Baarka Xeebta Liido ee Degmada C/Casiis.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhaawacyada uu koormeeray waxa uu gaarsiiyay Lacago kaash ah oo uu ugu tala galay in lagu baxnaaniyo dadkaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa koormeeray Baarka Xeebta Liido oo uu ka dhacay Weerarka, waxa uuna halkaasi Warbixino kaga dhageystay Saraakiisha amaanka ee Gobolka iyo Maamulka Degmada C/Casiis.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta kula hadlay Baarka Xeebta Liido ayaa waxa uu ka warbixiyay waxa uu ku soo arkay isbitaaladii uu koormeeray.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay sii wadayaan shaqada iyo hormarinta Gobolka Banaadir, isla markaana aysan u hakin doonin Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho.

Dhamaadka todobaadkii hore ayay ahayd Markii Weerar ay masuuliyadiisa Sheegteen Al-Shabaab lagu qaaday Baarka Xeebta Liido ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku dhintay in ka badan 25 qof sida ay sheegeen Hay’adaha Caafimaadka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-