Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay Kulan Shalay Baarlamaanka Soomaaliya ay yeesheen ayaa Digniin u diary Xildhibaanada ka maqan Kulamada Baarlamaanka ee kala jira Gobolada Dalka iyo Dibadda intaba.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ay u yaallaan Shaqooyin Culus loona baahan yahay in Baarlamaanka maqan ay yimaadaan.
“Baarlamaanka ka maqan kulamada Golaha Shacabka waxaan ku wargalineynaa in ay soo xaadiraan,maadaama Baarlamaanka ay u taallo Shaqo Culus.
Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Baarlamaanku ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu horay u sheegay in loo baahan yahay in Kalfadhigaan si Adag loo shaqeeyo,maadaama Shaqooyin Culus ay yaallan.
Halkaan ka dhageyso: