DHAGEYSO:- Digniino kama dambeys ah oo loo diray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

0

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya  Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay Kulan Shalay  Baarlamaanka Soomaaliya ay yeesheen ayaa Digniin u diary Xildhibaanada ka maqan Kulamada Baarlamaanka ee kala jira Gobolada Dalka iyo Dibadda intaba.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ay u yaallaan Shaqooyin Culus loona baahan yahay in Baarlamaanka maqan ay yimaadaan.

“Baarlamaanka ka maqan kulamada Golaha Shacabka waxaan ku wargalineynaa in ay soo xaadiraan,maadaama Baarlamaanka ay u taallo Shaqo Culus.

Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Baarlamaanku ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu horay u sheegay in loo baahan yahay in Kalfadhigaan si Adag loo shaqeeyo,maadaama Shaqooyin Culus ay yaallan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-