AKHRI:- 22-Xisbi siyaasadeed oo dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Maxkamadda Sare

0

Illaa 22 xisbi siyaasadeed ka jira dalka ayaa maalintii shalay u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)

Gal dacwadeed ay ku saxiixnaayeen Mas’uuliyiinta 22 Xisbi siyaasadeed ayaa waxaa guddoomay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf, waxaana gudbiyay 8 xubnood oo wakiil ka ahaa 22-ka xisbi ee saxiixday dacwada.

C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa ka hor aqriyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dacwadaas ay dulucdeedu tahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ay jebiyeen dustuurka Soomaaliya, ayna ka hor-taagan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xisbiyada Siyaasadeed xuquuqda uu u ogol yahay Dustuurka oo ah in la sharciyeeyo Xisbiyada Siyaasadeed, iyadoo muddo sanad ku dhow ay Hindise sharciyeedkii Xisbiyada Siyaasadeed ay meer-meerinayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha

Hadaba Qoraalka Dacwada 22-ka Xisbi siyaasadeed oo nuqul ka mid ah ay heshay Jowhar.com halkan hoose ka akhriso:-

dacwo-1-1

?