War Deg Deg Ah:- Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Raiisul wasaaraha, Waxna Ka Weydiinaya Duqeynta Ciidamada Kenya Ka Wadaan Gobolka Gedo.

0

Kulan ay maanta Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayey uga hadleen Duqeynta Diyaaradaha Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo Ee,iyagoo Qaraar ka soo saaray Duqeyntaasi.

Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad,iyadoo Qaraarka ay soo saareen ay ka mid yihiin in Kenya ay Deg Deg u joojiso Duqeynta iyo in Guddi Xaqiiqo raadin ah loo diro Gobolka Gedo oo u kuur gala Xaalada Gobolka Gedo.

Sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake inuu baarlamaanka hor yimaado ugu dambeyn ilaa 30-ka Bishaan si wax looga weydiiyo Duqeynta Kenya ay ka wado Gobolka Gedo.

Duqeynta Kenya ay ka wado Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay ku dhinten Dad badan oo Rayid ah,iyadoo sidoo kale Dad kale iyo Xoolo ay waxyeelo ka soo gaartay.