WAR DEG DEG:- Shirka wada-tashiga oo saacadaha soo aadan lagu wado inuu Muqdisho ka furmo iyo Madaxda dalka oo dhamaan soo xaadiray

0

Iyadoo inta badan Madaxda Soomaalida ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, ayaa waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu u furmo shirar wada tashi ah oo looga arrinsanayo nooca doorasho ee dalka ka dhici kara, maadaama shirkii Kismaayo aanu ka soo bixin wax go’aan ah oo la isku raacsan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu dalka Jordan uga qeyb galay shir looga hadlayo iskaashiga ka dhaxeeya Caalamka ee dhinaca la dagaalanka Argagixisada.

Sidoo kale waxaa isna goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka soo kicitimay magaalada Cadaado, waxaana uu ku biirayaa Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo horay Muqdisho ugu sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda ay labada cisho ee soo socota wada gaari doonaan go’aan wada jir ah oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta Agosto kadib, iyo qorshaha siyaasadeed ee dowladda bedeli doonta tan hada waqtigeeda ka harsan yahay dhowrka bilood.

Madaxda Soomaalida ayaa waxaa heysta cadaadis uga imaanaya Beesha Caalamka, waxaana laga filayaa inay go’aan mideysan gaaraan, ka hor shirka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 28 bishan dhici doona, iyo shirka soo socda ee Madaxweynayaasha Midowga Afrika iyo kan Madaxweynayaasha Urur goboleedka IGAD.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celiyay in aanu jiri doono muddo kordhin loo sameeyo Hey’addaha kala duwan ee dowladda, waxaana kama dambeys Madaxda laga sugayaa inay go’aano soo saaraan.