WAR DEG DEG:- Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabto, kadib markii magaalada Aqaba ee Boqortooyada Urdun uu kaga qeybgaley shir madaxeed gaar ah oo arrimaha amniga iyo argagixisada looga hadlayey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayey isku-dubbaridka, wadatashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya caalamka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxaa shirkan intii uu socday si gaar ah looga hadley arrimaha Soomaaliya, sida looga taageeri karo la dagaalanka argagixisada, taas oo sal u noqon karta nabadgelyo iyo xasilooni waarta oo ka dhalata Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale oo uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Boqor Cabdalla , kulankaas oo ay ku gorfeeyeen dadaallada caalamiga ee socda ee looga hortagayo khatarta argagixisada gudaha iyo kuwa caalamka isaga goosha, iyo guud ahaan arrimaha caalamka.

Boqor Cabdalla ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisa uu taageero buuxda ee dhinaca amniga ah la garab taagan yahay Soomaaliya.