WAR DEG DEG:- Madaxweynaha oo Muqdisho ka furay shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaran+Sawiro

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Micheal Keating iyo xubno kale.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

Madaxda Soomaalida ayaa laga sugayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan nooc doorasho oo dalka ka dhacda sanadkan 2016.

Beesha Caalamka ayaa ka dalbaday Madaxda inay gaaraan go’aan rasmi ah, ka hor shirka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 28 bishan dhici doona, iyo shirka soo socda ee Madaxweynayaasha Midowga Afrika iyo kan Madaxweynayaasha Urur goboleedka IGAD.

1 2 3 4 5 6 7 8