DHAGEYSO:- Midowga Africa oo ciidamo usoo dirayo Soomaaliya iyo Tirada ciidamada oo la shaaciyay

0

Qaar kamid ah hogaamiyaasha midowga Africa ayaa ku kulmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxayna kaga hadleen weerarada kala duwan ee kooxaha amni darada ka geysanayaan dalka Soomaaliya iyo waxyeelada ka dhalatay weerarada Alshabaab ay geysanayaan.

Sidoo kale hogaamiyaasha Midowga Africa qaarkood ayaa kulanka ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda waxay kaga hadleen qorshaha mustaqbalka ciidamada AMISOM ee kusugan dalka Soomaaliya iyo waxa laga yeelayo.

Kulanka oo shalay ka dhacay Kampala ayaa waxaa diirada lagu saaray weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo oo Alshabaab u geysteen ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan saldhiga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Magaalada Kulanka ay kuyeesheen qaar kamid ah hogaamiyaasha xubnaha ka ah midowga Africa ayaa waxaa Alshabaab ay sanadkii 2010 ka geysteen qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 70 ruux oo daawanayay ciyaar.

Kulankaasi ayaa la sheegay in laga soo saaray in midowga Africa uu ciidamo dheeraad ah usoo diro dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.

Ciidamadaasi ayaa gaar ahaan waxaa loogu so diri doonaan magaalada Muqdisho waxayna gaarayaan 2,000 oo askari dheeraad ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-