TOP NEWS:- Madaxweyne Guuleed oo soo gaaray Muqdisho iyo Kulamo uu la qaadan doono xubno ka socda beesha caalamka iyo dowlada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed Ayaa Maanta soo Gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Halkaasi oo ay ku soo Dhaweyeen Xubna ka Tirsan Golaha Wasiirada DFS iyo Siyaasiin ka Soo Jeeda Deegaanada Galmudug .

Guuleed ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinayay Xubna ka Tirsan Labada Golle ee Dowlada iyo siyaasiin kale kuwaasi oo ka qeyb galay shirka madasha Qaranka soomaaliyeed kaasi oo dhawaan ka furmi doono Magalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya iyadoona Dowlada Galmudug ay sheegtay in mowqifkeda uu yahay kii hore ay kaga Dhawaaqday Magalada kismaayo kaasi oo ah in Galmudug ay aaminsan tahay in qaab degaan aan loo soo xuli karin.

Xubnaha Golaha Baarlamaanka maadama aysan jirin cid si rasmi ah u tirikoobtay ummada soomaaliyeed .

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaabka qabaailka uu yahay mid mudda lagu soo dhaqmayay balse hadda ay danta keentay
Madaxweynaha Ayaa isla maanta la filayaa in uu la kulmo madax ka Tirsan Beesha caalamka.