TOP NEWS:- Itoobiya oo ka hadashay dib u celinta Maamulka Somaliland uu ku sameynaayo dadka Itoobiyaanka

0

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay dib u celinta Maamulka Somaliland uu ku sameynayo dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Maamulkaasi Somaliland.

Wakiilka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya u fadhiya Hargeysa Mr. Ageze Amelo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay la socota dib u celinta lagu hayo dadka ka soo jeeda Itoobiya ee laga celinayo Hargeysa.

Wxaaa uu sheegay in Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ay ka wada warqabaan arrintan,waxaana uu intaa ku daray dib u celinta dadkan ay tahay in laga hortago in ay u tahriibaan Yurub,halkaas oo uu sheegay in ay dhimasho badan ka soo gaarto.

Dublamaasigani waxa uu ka hadlay in ay kala shaqeynayaan masuuliyiinta Somaliland iyo hay’adaha muhaajiriinta qaabilsan daaweynta muwaadiniintii Itoobiya ee ku dhaawacmay shilkii baabuurka booliska ee lagu daad-gureynayay tahriibayasha sharci darrada ah oo ay ku nafwaayeen laba qof, iyada oo saddex kalena ay xaaladoodu liidato.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ay iska kaashanayaan Shabakad Dadka tahriibisa oo Xafiisyo ku leh Itoobiya,Somaliland iyo Puntland,halkaas oo ay dadka ugu badan ka aadaan Khaliijka Carabta.