TOP NEWS:- Beelaha Hiiraan oo shir gaar ah wata lagana yaabo inay diidaan Federaalka+Ogow Sababta

0

Waxaa wali hakad ku jira shirki maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maalmahan ka socday magaalada Jowhar.

Arrintan waxay ka danbeysay kadib marki qaar ka mid ah beelaha dega labada gobol ay saluugeen qaabka loo qeybiyey guddiga odayaasha soo xulayada xildhibaanada uu yeelan doono maamulka.

Beelaha sida gaarka ah u cabanaya shirkana isaga baxay waxa ay u badanyihiin kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan, qaarkood shirweyne ayey u fadhiyaan iyaga oo la filayo in ay soo saaraan go,aan ay kusoo gudbin doonaan aragtidooda ku aadan shirka.

Xildhibaan Calinur Xaaji Boodaaye oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay u wakiilatay farsamada shirka wasiirada kasoo jeedo labada gobol taasoo macnaheeda ah buu yiri in talada laga wareejiyey dadka dagan labada gobol.

‘Qaladka waxa weeyaan nidaamka loo maray shirka waa mid ka duwan sidi maamuladi hore ee la dhisay, Tusaale ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha waxay u wakiilatay wasiiro kasoo jeedo labada gobol, waa masuuliyiin qaran laakn waa dad go’aanka ay soo saaraan ay macnaheedu tahay in ay dowladu go’aan soo saartay, waa in talada la siiyaa dadka deegaanka’’ayuu yiri Xildhibaanka oo saakay u warramayey laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Waxa kale oo uu sheegay in beelaha dagan Hiiraan ay hada u fadhiyaan shirweyne ay uga tashanayaan aayahooda iyo waxa kaga aadan shirka ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in natiijada kasoo baxdo shirkaasi laga yaabo in ay ka mid ahaan karto, in beelaha ay dhahaan annaga ma rabno federaal oo waxaan ka mid ahaan doonaa dowladda dhexe.

Shirka ka socda Jowhar ayaa waxaa laga filayey in laga dhaliyo maamul goboleedki ugu danbeeyey ee ku biiraan maamulada faderaaliga ah ee hadda ka jira dalka Soomaaliya.