Mudane Wasiir Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Shacabka Demada Ceel Cade Miyaadan Wasiir U Ahayn?

0

Afeef: Mudane Wasiir Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini waa shaqsi aan xurmad waalidnimo iyo mid Mas’uul oo weyn aan u hayno, balse Waalidkaa waxuu ku qaldan yahay waa laga qabtaa, waxuu ku saxan yahay waa lagu taageeraa.

Hadaad hore u arki jidhay anagoo u jilbeysan Mudane Wasiir Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, bal maantana arag anoo qalinka u sita kuna cambaareenayaa ka Aamusnaanta Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ee xasuuqa aargoosiga ah ee ciidamda Kenya u geysanayaan shacabka iyo birmageydada ah ee degmada Ceel Cade iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Awoowe waan kaa diiday Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya baan ahay kamana hadlayo xasuuqa shacabka gobolka Gedo, waa iga su’aale shacabka Gobolka Gedo ma waysan ahayn Soomaalida aad Wasiirka Gaashaandhiga u tahay, Ceel Cade iyo Gobolka Gedo Ma waysan kamid ahayn dadka Soomaaliyeed ee aad difaacooda xilka u hayso? Jawaabtaas adaan kaa sugeynaa.

Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Awoowe ogoow shacabka Ceel Cade amaba guud ahaan kuwa gobolka Gedo waa kuwaadan hureyn beri, waa kuwa iilka ku dhigaya, waana shacabka ugu Wadaniyeysan Soomaaliya, waana kuwa naftooda hura maalin walba iyagoo wax dheef ah ku qabin dowladda Soomaaliya ee aad Wasiirka ka tahay, ma ay haboon tahay iyagoo Taangiyo iyo Diyaarado lagu xasuuqayo inaad ka aamusnaato adigoo dad u xiga islamarkaana leh waxaan ahay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo waajib muqadas ah kaa saaran yahay difaaca dadka iyo dalka calanka Soomaaliyeed?

Waxaan kugula talinayaa waxaad ummada Soomaaliyeed u Tahay Wasiir, haddii ay Wasiirnimadu iyo Dowladdnimada Soomaaliya dhab tahay amaba ay jiraan waa in aad si deg deg ah uga hadasho unna cambaareyso ciidamada Kenya ee xasuuqa waxuushnimada ah ee aan lahayn kala sooca ay u geysanayaan shacabka birmageydada ah ee Ceel Cade iyo guud ahaan Gedo.

Gabgabadi waxaan rajeenayaa hadduu Alle idmo in aad qaadan doonto canaanta iyo talada aan kuu soo jeedshay, sida u dhaqsiyaha badana aad uga hadli doonto dadka shacabka ah ee Taangiyada iyo Diyaaradaha lagu xasuuqayo.

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
email.nurugas@gmail.com