Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Xasuuqa Degmada Ceel Cade Kamaadan Hadline Ma Xasuuqa Liido (Muqdisho) Uun Baad U Ooyi Taqaan?

0

Afeef: Mudane Cabdi Shire Warsame waa shaqsi aan xurmad walaalnimo iyo mid Mas’uul oo weyn aan u hayno, balse Waalaalkaa waxuu ku qaldan yahay waa laga qabtaa, waxuu ku saxan yahay waa lagu taageeraa.

Mudane Cabdiwali Qaladkiisaa badan taas ayaana keenta in mar walba la hadal hayo,Waxaa la yaab bulshada Soomaaliyeed ku noqotay markii maalmo ka hor qarax weyn iyo xasuuq ay Al Shabaab ka geysteen baar Liido oo ku yaa magaalada Muqdisho in R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ay warbaahinta Soomaalida soo sii daayeen isagoo ka ooyaya xasuuqa ka dhacay baar Liido, Hadaad horey arki jirtay anoo cambaareenaya maantana arag anoo qalinka haddana u sita kuna cambaareenaya R/wasaarihi Hore Mudane Cabdiwali Sheekh inuu u ooyo baar Liido kana Aamuso xasuuqa aargoosiga ah ee ciidamada Kenya u geysanayaan shacabka birmageydada ah ee degmada Ceel Cade iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed walaaloow waan kaa diiday, kaana rumeysan maayo xasuuqa baar Liido kaliyaan ka hadlayaa ama ka ooyayaa kamana hadlayo xasuuqa shacabka gobolka Gedo, waa iga su’aale shacabka Gobolka Gedo ma waysan ka mid ahayn dadka Soomaaliyeed ee aad R/wasaaraha u ahayd,shacabka Ceel Cade iyo Gobolka Gedo Ma waysan la mid ahayn dadka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay xeebta Liido? Jawaabtaas adaan kaa sugeynaa.

Waxaan kaloo ku xasuustaa mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo aan waligey hilaami doonin xiligii aad R/wasaaraha ahayd abaartana ay ka dhacday gobolka Gedo waxaad fashay iyo sidaadan uga qayb qaadan, haddiise ay jirin wax kuu qarsoon oo aad miiska hoostiisa ka qabatay, balse dadkaan u deynayaa taas.

Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Walaaloow waan ogohay in qalbigaaga laga masaxay, balse waligaa mid ogoow shacabka Ceel Cade amaba guud ahaan kuwa gobolka Gedo waa kuwaadan hureyn beri, waa kuwa iilka ku dhigaya, waana shacabka ugu Wadaniyeysan Soomaaliya, waana kuwa aad ku abtirsato, ma ay haboon tahay iyagoo Taangiyo iyo Diyaarado lagu xasuuqayo inaad ka aamusnaato xasuuqa baar Liido-na aad u ooyso, maxayse kuugu kala duwan yihiin?

Waxaan kugula talinayaa waaba hadaa tahay nin talo walaal qaato, haddii ay siyaasi laguma noqdo inaad xagliso deegaankaaga, haddiise ay dhab kaa tahay amaba ay jirto inaa siyaasi tahay waa in aad si deg deg ah uga hadasho unna cambaareyso ciidamada Kenya ee xasuuqa waxuushnimada ah ee aan lahayn kala sooca ay u geysanayaan shacabka birmageydada ah ee Ceel Cade iyo guud ahaan Gedo.

Gabgabadi waxaan rajeenayaa hadduu Alle idmo in aad qaadan doonto canaanta iyo talada aan kuu soo jeedshay, waloow aad iga diiday canaan iyo talooyin hore oo badan oo aan hubo haddaad qaadan lahayd in aad maanta xilka R/wasaare hayn lahayd,  haddana kama quusanayo ee sida u dhaqsiyaha badan uga hadal dadka shacabka ah ee Taangiyada iyo Diyaaradaha lagu xasuuqayo.

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
email.nurugas@gmail.com