Mudane Cabdi Shire Warsame Xasuuqa Degmada Ceel Cade Kamaadan Hadline Ma Xasuuqa Kismaayo Uun Baad Ka Hadashaa?

0

Afeef: Ex Danjire Mudane Cabdi Shire Warsame waa shaqsi aan xurmad waalidnimo iyo mid Mas’uul oo weyn aan u hayno, balse Waalidkaa waxuu ku qaldan yahay waa laga qabtaa, waxuu ku saxan yahay waa lagu taageeraa.

Hadaad horey u arki jidhay anagoo u jilbeysan Mudane Ex Danjire Siyaasi Mudane Cabdi Shire Warsame, bal maantana arag anoo qalinka u sita kuna cambaareenayaa ka Aamusnaanta Mudane Danjire Siyaasi Mudane Cabdi Shire Warsame ee xasuuqa aargoosiga ah ee ciidamada Kenya u geysanayaan shacabka iyo birmageydada ah ee degmada Ceel Cade iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Ex Danjire Siyaasi Mudane Cabdi Shire Warsame Adeeroow waan kaa diiday xasuuqa Kismaayo kaliyaan ka hadlayaa kamana hadlayo xasuuqa shacabka gobolka Gedo, waana arin ana ii cuntameyn, waa iga su’aale shacabka Gobolka Gedo ma waysan la mid ahayn dadka Soomaaliyeed ee xasuuqa loogu geysanayay magaalada Kismaayo ee aad maalin walba shirarka iyo idaacadaha uga hadleysay ,Ceel Cade iyo Gobolka Gedo Ma waysan la dhalan dadka Kismaayo lagu xasuuqayay ee Soomaaliyeed? Jawaabtaas adaan kaa sugeynaa.

Mudane Cabdi Shire Warsame Adeerow ogoow shacabka Ceel Cade amaba guud ahaan kuwa gobolka Gedo waa kuwaadan hureyn beri, waa kuwa iilka ku dhigaya, waana shacabka ugu Wadaniyeysan Soomaaliya, waana kuwa aad ku abtirsato, ma ay haboon tahay iyagoo Taangiyo iyo Diyaarado lagu xasuuqayo inaad ka aamusnaato?

Waxaan kugula talinayaa waxaad ummadan Soomaaliyeed ee dagta koonfur galbeed Soomaaliya u Tahay siyaasi, haddii ay siyaasinimadaadu dhab tahay amaba ay jirto waa in aad si deg deg ah uga hadasho unna cambaareyso ciidamada Kenya ee xasuuqa waxuushnimada ah ee aan lahayn kala sooca ay u geysanayaan shacabka birmageydada ah ee Ceel Cade iyo guud ahaan Gedo.

Gabgabadi waxaan rajeenayaa hadduu Alle idmo in aad qaadan doonto canaanta iyo talada aan kuu soo jeedshay, sida u dhaqsiyaha badana aad uga hadli doonto dadka shacabka ah ee Taangiyada iyo Diyaaradaha lagu xasuuqayo.

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
email.nurugas@gmail.com