Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid Ciil Tire) Mahadsanid Waxgaradki Sade Iyo Soomaaliba Waa Kuu Darsadeen.

0

Afeef: R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waa shaqsi aan xurmad waalidnimo iyo mid Mas’uul oo weyn aan u hayno, balse waxaa la yiri Waalaalkaa waxuu ku qaldan yahay waa laga qabtaa, waxuu ku saxan yahay waa lagu taageeraa.

Waxaa ugu horeyn doonayaa anigoo waxbadan xog ogaal u ah, waxaan doonayaa inaan fursadan uga faaideysto inaan u mahadnaqo R/wasaarihi hore ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidaan filayana dad badan oo leh Sade iyo Soomaaliba waxa ay aad ula dhacayaan qormadan xaqiiqda salka ku haysa, halka qaar kalena la yaaba yaan cinwaanka qoraalkaygan ee ah Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid Ciil Tire) Mahadsanid Waxgaradki Sade Iyo Soomaaliba Waa Kuu Darsadeen. inta la yaaban cinwaanakana waxaan oranayaa (Xaajo Nimaan Ogeyn Ayaa Indhaha Ka Rido).

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ninba sibuu aqoon ugu leeyahay balse anigu shaqsiyan waxaan aqoon ugu leeyahay amaba aan aaminsahay inuu ahaa halyey kasoo dhexbaxay Sade iyo ummada Soomaaliyeedba,xaqiiqdi wax dhaliil ah oo aan u hayaana majidho, shaqadiisi waa uu qabsaday, waxna waa u dhiman yihiin inuu qabto Hadduu Alle idmo.

R/wasaare Saacid (Ciil Tire) markii ay shisheeyuhu arkeena ayaa durba waxa ay dhaheen war naga qabta waa soo noolaadeene, amaba ma doonayno iyadoo markiiba loo adeegsaday nimanka iminka sheegta inay hayaan dalka hogaankiisa waa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo u adeegayay markaas iyo iminkaba dowladdo dano ka leh Soomaaliya.

R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) xilka markuu qabtay waxuu ummada Soomaaliyeed lasoo hor istaagay gole wasiiro oo tayo leh, hogaan siyaasadeed oo qunyar socod ah iyo dib u dhiska siyaasada iyo horumarinta Soomaaliya, xukuumadi R/wasaare Saacid ama Ciil Tire waxa ay uu mudo yar gudaheedana guulo la taaban karo ka gaartay in Soomaaliya ay u madax banaanaanto siyaasadeed gudaha iyo dibeddaba,waloow golihiisi wasiirada qaarkood ay ahaayeen kuwii markii danbe manja xaabiyay xukuumadiisa iyagoo u adeegaya danaha Madaxweyne Xasan Sheekh, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dowladdo iyo dadyow shisheeye ah.

Qaarkii ka midka ahaa Golihii wasiirada ee R/wasaare Saacid ee manjo xaabiyay xukuumadiisi, bal maanta eega xagee ku dambeeyeen oo ka dhageysta idaacdaha waxa afkooda kasoo yeeraya? waa su’aal’e ma shalay ayay qaldanaayeen, mise maanta ayay qaldan yihiin?

Waxaa kale oo isweydiin mudan xagee ku danbeeyeen iyagana Xildhibaanadi gacantaaga beenta ah yiri waan ku ridnay Xukuumadi R/wasaare Saacid maxaase afkooda kasoo yeeray markii dambe sidaan idaacadaha ka dhageysan ama ka daawanay TV-yada (Ilaahoow Na Cafi, Waxaan Cafis Ka Dalbanaynaa R/wasaarihi aan xaqdarada aan ku ridnay xukuumadiisa waa R/wasaare Saacid).

Dhamaan intaas oo dhacdo ah ee laahaa manjo xaabinta iyo baroorta ka danbeysay ee soo dhacay waxaad moodaa in Waxgaradka Sade iyo Soomaaliba ay ku diirsanayeen, sababtoo ah waxaa iyaga u muuqatay oo u cadeyd in R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Saacid uu ahaa wadani Soomaali dhab ah, islamarkaana Sade ah, markaa sidaa leeyahayna ha ila yaabina inaan R/wasaaraha qabiil ku tilmaamo ogaadana qof walbaa waa soomaali balse abtir ayuu leeyahay.

Runtii Ummada Soomaaliyeed intooda badan waa ay amaanayeen waana la dhacsanaayeen R/wasaare Saacid iyo Xukuumadiisi marka laga reebo in yaroo dadka soomaaliyeed kamid ahaa oo markaa iyo iminkaba la jilbeysan in loo daayo in ay u adeegaan gumeysiga dalkana gacanta ka bixiyaan.

Dhinaca kale R/wasaare Saacid waxa uu socdaal dheer ku maray inta badan gobolada dalka, waana R/wasaarihi ugu horeeyay ee kasoo jeeda gobolada Gedo, Galguuduud iyo Jubbada Hoose ee socdaal ku taga dhulkuu kasoo jeeday, waxa uu u qabtayna waxa ay isugu jiraan wax muuqda iyo wax qarsoonba maanta hadaan iraahdo waan faah faahinayaa xaqiiqdi kuma aan soo koobi karo qoraal, iyo hadal, waloow aan ogahay dadka intiisa badan inaysan ogeyn balse waxaa og oo qura Waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaas, intiina kale saadambaad garan doontaan.

Gabagabadi run ahaanti waxaan oranayaa oo kaliya waa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaad ahayd R/wasaare Wadani ah, dantii Sade iyo Soomaaliba aan gabin, waxaa kaloo agtayada aad ka tahay Astaan Qaran, Garaad Soomaaliyeed ee ogow Mudane R/wasaare Saacid Waxgaradki Sade Iyo Soomaaliba Waa Kuu Darsadeen, magacna waan kuu bixsanay kaa oo ah SAACID CIIL TIRE.

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
Email: nurugas@gmail.com