Guddoomiyaha Kooxda Qeylo-dhaan oo Baarlamaanka Soomaaliya ku biiray

0

Guddoomiyaha Kooxda Caanka ah ee Qeylo-dhaan Cabdi Shire Cayaar Jecel ayaa ku biiray Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo lagu dhaariyay kulanka maanta  Baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

Cabdi Shire Cayaar Jecel ayaa lagu badalay Muuse Sheekh Cumar oo la sheegay inuu dibadaha Aaday.

Guddoomiyaha Kooxda Qeylo-dhaan Cabdi Shire Cayaar Jecel ayaa ah Abwaan,iyadoo Dad badan oo Soomaaliyeed ay yaqaanaan  Abwaan Cabdi Shire Cayaar Jecel.

Dhanka kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kulan ku leh Xarunta ay ku shiraan ee Magaalada Muqdisho,iyadoo Maalmihii ugu danbeeyay aysan wax kulan ah yeelan Golaha Shacabka Soomaaliya.