DHAGEYSO:- Tira koobka guryaha Gaalkacyo oo la soo gaba gabeeyay+ Xog hoose oo la helaayo

0

Kadib Markii dhawaan Qaar ka mida Qabiilada dagan Magalada Gaalkacyo Ay Cabasho ka Muujiyeen Qaabka Loo Wado soo xuliska Golaha Deganka ee Gaalkacyo aya Waxa arintaasi isaga Hor yimid bilowgii hawushaasi beelo ka mdia kuwa gaalkacyo dagan kuwasi oo shegay in ay iska dhax waayeen golaha deganka ee gaalkacyo

kadib markii arintaasi buuq badan uu ka dhashay aya waxa dowlada galmudug ay sameysay barnamaij tirakoob ah arintaasi oo ah arin gaalkacyo bilowgii hawshan dadka ay la yaabeen madama tirakoobkan ujeedkiisa uu yahay in qof iyo cod golaha deganka lagu soo doorto oo shacabka gaalkacoy ay u codeeyaan qofka noqaya goalaha deganka gaalkacyo

Waxa Codeyn Doona Masuulka Guriga Sida wararka ay sheegayan  si loga fogado in beelaha qaarkood  ay isaga hor yimaadaan hirgalinta barnamijka madama horay beelo ka hadlay saxafada ay shegen in ay iska dhax waayeen qaabkii hore ee golaha deganka loo waday

Gudoomiyaha Gudiga Soo Xulaya Golaha Deganka Cabdi Casiis Ahmed Bulxan oo warbaahinta la hadlay ayaa Waxa uu shegay in tirakoobkan loga gol laha sidi loo diiwan gali laha guryhaa isla markana dowlada ay uga faaideysan lahayd in masuul kasta oo gurika leh uu u codeeyo masuulka uu doonayo in uu u doorto in uu ka mid noqto golaha deganka waxana uu shegay in dadka ay aad u soo dhaweyen arintan madama ay ka war hayen hawusha oo idaacada iyo saxafada laga baahiyay in tirakoobkan la bilaabi doono