DHAGEYSO:- Qabiilada Dega Dhuusomareeb, Cabudwaaq iyo Xeraale oo Heshiiyay

0

Beelaha Dega Deegaanada Dhuusomareeb, Cabudwaaq iyo xaraale ayaa ka Heshiiyay Muran Dhawaanahan u Dhaxeeyay kaasi oo ka Dhashay Ceel Biyood,

Gudoomiyaha Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa Qeyb Ka Qaatay Heshiiskaasi iyadoo isla Deegaanka Lagu Qabtay Heshiiska ay Wada Gaareen Beelaha Dega Dhuusomareeb, Cabudwaaq iyo Xaraale,

Gudoomiyaha Degaanka Xanabuure Caydiid Maxamed Osoble Waxa uu Sheegay in Dhamaan Beelaha ay Geed Wada Fadhiisteen isla markana ka Heshiiyeen Wixii Muran ee Dhacay Kaasi oo Salka ku Haya Ceelbiyood iyo Dhul Daaqsimeed,

Waxa uu intaasi ku Daray in Beelaha oo dhan Wada Qaateen Heshiiska isla markana So Afjareen Muranka ka Dhashey Xaga Dhulka iyo Biyaha isagoo Dadka kale ugu Baaqay ee Galmudug Nabad.