DHAGEYSO:- Nabadoon beeniyay in beeshooda Al-Shabaab ka taageereen weerarkii lagu dilay askar badan oo Kenyaati ah

0

Gudigii ay Kenya u xilsaartay baarista weerarkii ciidankeeda looga laayay deegaanka Ceel-cadde ayaa maanta sheegay in beel ka  mid ah beelaha Soomaaliyeed ay Al-shabaab garab ku siisay dilka Askarta Kenya.

Mid ka mid ah Nabadoonada Beesha Sade ee Gobalka Gado ayaa Beeniyay in Beesha Sade ay ku lug lahayd Weerarkii Ceel-Cade.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ku sugan Degmada Baardheere ayaa sheegay in beeshooda aysan ku lug laheyn weerarkaasi gudiga arintaan ay ka dhawaajiyeena ay tahay mid been abuur ah.

Halkaan ka Dhageyso: