DHAGEYSO:- Dhibaatooyinka heysta beeraleyda soomaaliyeed+Wasiir hore oo sharaxaad ka bixiyay sida dowlada u dayacday

0

Wasiirkii hore ee beeraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo ayaa ka hadlay caqabadaha haysta wax soo saarka beeraha Soomaaliya, oo sidii la rabay aan ahayn.

Wareysi uu siiyey VOA-da, ayuu Cabdi Axmed Baafo ku sheegay in marka la eego barwaaqada dalka iyo roobabka da’ay, aysan beeraha Soomaaliya wax soo saarkooda gaarsiisneyn meeshii laga filayey.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay laba caqabad oo jira kuwaas oo kala ah:-

1 – Ammaanka guud ee dalka oo ah mid saamayn ku yeeshay wax soo saarka

2 – Dadkii wax soo saarka ka sahqaynayey oo magaalada soo galay, islamarkaana aan dib ugu laabaan miyiga.

Axmed Cabdi Baafo ayaa ugu yeeray dowladda Soomaaliya in ay xoogga saarto wax soo saarka iyada oo laga billaabayo amniga beeralayda.

Halkaan ka dhageyso: