DHAGEYSO:- Abwaan Sangub oo dardaaran cajaa’ib ah u jeediyay bulshada Soomaaliyeed

0

Hal abuurka weyn ee Abwaan Maxmauud Cabdullaahi Ciise (San-gub) ayaa soo bandhigay Dar daaran uu sheegay in hadda ka hor uu ujeediyey Carruurtiisa.

Abwaan Sangub ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu kaga qeyb galay Degmada Xamar Jajab Ee Magaalada Muqdisho isagoo soo bandhigay in Hooyada looga baahan yahay in carruurtu barto dadkooda iyo dhaqankooda.

Waxa uu sheegay Abwaanka dar daaran cajiib ahaa kaasi uu sheegay in uu ku yiri “Caruurteydaay hadii la idin weydiiyo kumaa tihiin Ilmo Cabdullaahi dhaha oo Sangubka ii daaya”.

Weedhaasi ayaa macno badan abuurtay oo wax badana ay iska weydiiyeen dadkii ka qeyb galay Kulankaasi ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee looga hadlayey wacyi gelinta dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Halkaan ka dhageyso