Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo howlgal Culus ka wada Jowhar

0

Ciidamada Midowga africa ee AMISOM iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta baaritaano guryaha la iskugu galayo ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada ayaa gur guri u galayay xaafadaha magaalada Jowhar , waxayna kasoo saarayeen dhalinyarada ugu badan ee magaalada ku sugan, kuwaasi oo laamaha amaanka ay baaritaano ku sameynayaan.

Ku dhawaad 300 oo ruux ayaa la isku geeyay barxado ku yaala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana la ogeyn sida ciidamada ay ka yeeli doonaan dhalinyarada iyo dadka ay ka xer xereen xaafadaha magaalada Jowhar.

Howlgalada noocaasi oo kale ah ayaa ciidamada inta badan waxay ka sameyn jireen xaafadaha magaalada  Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, balse waxaa haatan muuqata iney u wareejiyeen gobolada kale ee dalka.

Qaar kamid ah ehelada dhalinyarada laga xiray ayaa ka walaacsan howlgalka wadajir ah oo ciidamada ay ka sameeyeen xaafada Hanti wadaag ee magaalada Jowhar.