Mudane Mudane Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex Xasuuqa Degmada Ceel Cade Kamaadan Hadline Ma Muqdisho Ayaa Nooga Guurtay?

0

Afeef: Ku Simihi R/wasaaraha Dowladi KMG Ahayd ahaana R/wasaare K/xigeenka Mudane Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex waa shaqsi aan xurmad waalidnimo iyo mid Mas’uul oo weyn aan u hayno, balse Waalidkaa waxuu ku qaldan yahay waa laga qabtaa, waxuu ku saxan yahay waa lagu taageeraa.

Hadaad horey u arki jidhay anagoo u jilbeysan Mudane Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex, bal maantana arag anoo qalinka u sita kuna cambaareenayaa ka Aamusnaanta Mudane Mudane Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex ee xasuuqa aargoosiga ah ee ciidamda Kenya u geysanayaan shacabka iyo birmageydada ah ee degmada Ceel Cade iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Awoowe waan kaa diiday ku dhawaad sodomeeyo sano siyaasi ayaan ahaa 4.5 baa wax lagu qaybsaday’e islamarkaana matalayay dadkeena iyo deegaanadeena xilal kala duwana waan soo qabtay kamana hadlayo xasuuqa shacabka gobolka Gedo, waa iga su’aale shacabka Gobolka Gedo ma waysan ahayn dadka Soomaalida ah ee aad xilalka kala duwan usoo qabatay, Ceel Cade iyo Gobolka Gedo Ma waysan kamid ahayn dadka Soomaaliyeed ee aad ku dhawaad sodonka sano siyaasada ugu jirtay? Jawaabtaas adaan kaa sugeynaa.

Mudane Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex Awoowe ogoow shacabka Ceel Cade amaba guud ahaan kuwa gobolka Gedo waa kuwaadan hureyn beri, waa kuwa iilka ku dhigaya, waana shacabka ugu Wadaniyeysan Soomaaliya, waana kuwa aad ku abtirsato, ma ay haboon tahay iyagoo Taangiyo iyo Diyaarado lagu xasuuqayo inaad ka aamusnaato adigoo dad u xiga islamarkaana ah siyaasi mudo ugu jiray siyaasada Soomaaliya oo waajib muqadas ah kaa saaran yahay difaaca dadka iyo dalka calanka Soomaaliyeed?

Waxaan kugula talinayaa waxaad ummada Soomaaliyeed u Tahay siyaasi rug cadaa ah, haddii ay siyaasinimadaadu dhab tahay amaba ay jirto waa in aad si deg deg ah uga hadasho unna cambaareyso ciidamada Kenya ee xasuuqa waxuushnimada ah ee aan lahayn kala sooca ay u geysanayaan shacabka birmageydada ah ee Ceel Cade iyo guud ahaan Gedo.

Gabgabadi waxaan rajeenayaa hadduu Alle idmo in aad qaadan doonto canaanta iyo talada aan kuu soo jeedshay, sida u dhaqsiyaha badana aad uga hadli doonto dadka shacabka ah ee Taangiyada iyo Diyaaradaha lagu xasuuqayo.

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
email.nurugas@gmail.com