DHAGEYSO:- Kenya oo Hal Arrin darteed u Qalabeyneysa Ciidamada Booliska Kenya

0

Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in dowladiisa ay gaadiid casri ah ku hubeyn doonto ciidamada booliska dalka Kenya si ay kaga hortagaan weerarada Alshabaab ka geysanayaan gudaha dala Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in gawaariada gaashaaman ay sidoo kale siin doonan ciidamada booliska dalka Kenya si ay ula dagaalamaan kooxaha weerarada ka geysanaya dalka Kenya.

“Si looga hortago weerarada cadowga waxaan ciidamada siineynaa gaadiid gaar ahaan ciidamada u nugul weerarada, waxaana ku faraxsanahay in markii ugu horeysay taariiqda kenya inaan shaaciyo inaan gaadiidka gaashaaman sin doono ciidamada booliska”sidaasi ayuu yiri Kenyatta oo saraakiil ciidan la hadlayay.

Hogaamiyaha dalka Kenya ayaa sheegay in weerarada Alshabaab ay waxyeeleeyeen dhaqaalaha dalka Kenya iyo deegaanadii dalxiiska loo tagi jiray.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya sheegay in dhaqaalaha dalkaasi uu kasoo kabsanayo weeraradii Alshabaab ka geysteen deegaanada waqooyi bari ee dalkaasi Kenya.

Bisha June ayuu shaaciyay madaxweynaha dalka Kenya in ciidamada booliska ay heli doonaan diyaarado Helicopters si ay ugula dagaalamaan Alshabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-