TOP NEWS:- Madaxweyne C/weli Gaas oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, oo la filaayo inuu kaga qaybgalo Shir.

C/wali Maxamed Cali Gaas waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, iyadoo loo galbiyay Madaxtooyada Somaliya.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne Gaas ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arimo ku aadan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo la filaayo in la qabto todobaadkana gudihiisa, inkastoo aanan la ogeyn halka lagu qabanaayo.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maqan dalka Jordan halkaasi oo uu kaga qaybgalaayo Shir la sheegay in looga hadlaayo arimaha ammaanka iyo Iskaashiga labada dal.

Waxaa la filayaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweynayaasha kale ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira.