TOP NEWS:- Kenya oo Xabsiga dhigtay Weriye Caan ah

0

Weriye ayaa lagu xiray dalka Kenya kadib markii uu bogagga bulshada ku daabacay sawirro weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhig militeri oo Kenya ay ku lahayd Soomaaliya.

Yassin Juma ayaa waxa uu internetka ku daabacay sawirro ay soo saareen al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen baabuur militeri oo gubanaysa.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay ku dileen saldhiggaasi militeri in ka badan boqol askarta Kenya, laakiin ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Masuuliyiinta Kenya waxay shacabka uga digeen in aanay soo daabicin sawirrada weerarkaasi oo ay sheegeen in loo arko kuwo wax u dhimaya ammaanka qaranka.

Tiro dad ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay soo geliyeen sawirro halis ama aflagaaddo ah.

Xigasho BBC