TOP NEWS:- Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa gelinkii dambe ee Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Warbaahinta War kooban siiyay ayaa sheegay inuu muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Aayaha Soomaaliya ee lagu Go’aamin doono nuuca doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa dabayaaqada Sanadkaan oo la filayo inuu maalmahaan soo socda ka qabsoomo Muqdisho.

Maanta ayaa sidoo kale waxaa Muqdisho yimid Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,iyadoo la filayo in Madaxweyneyaasha kala ah C/kariin Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ay bari soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaasha Soomaalida ayaa looga fadhiyaa in ay gaaran Go’aan ku aadan Nuuca doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa dabayaaqada sanadkaan nuuca ay noqon doonto