SAWIRO:- Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya oo Shirar Muhiim ah ugu qeyb galay dalka boqortooyada Baxreen

0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaarada arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa ka qeyb galay shirkii ugu horeeyey ee Wasiirada Arrimaha Dibaddda ee dalalk Carabta iyo Hindiya

Wafdi uu hogaaminay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaaliya ayaa ka qeyb galey shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada carabta iyo dowlada Hindiya oo ka furmey magaalada Manama ee dalka boqortooyada Baxreen.

Shirkan ayaa ahaa mid loogu doodaayey sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladaha carabta iyo dowladda Hindiya, qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: Ikaashiga dhinaca siyaasadda, Dhaqaalaha iyo ganacsiga, Tamarta, dhowrista bii’ada, beeraha iyo isku filaanshaha wax soo saarka beeraha, tayeenta kaabayaasha dowlada Waxbarasha iyo dhaqanka, Warbaahinta, Iskaashiga dhinaca Horumatinta tayada bulshada iyo dhinaca caafimaadka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-