DHAGEYSO+TOP NEWS:- Xiisad weli ka taagan Gobolka Sool iyo dagaal laga Cabsi qabo

0

Xiisad ayaa ka taagan deeganada Kala Baydh iyo Balicad oo ka tirsan Gobolka Sool, halkaasi oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada Maamulada Somaliland iyo Khaatum State.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaj Cali ayaa sheegay inay jirto xiisada colaadeed ee labada ciidan u dhaxeysa.

Waxa uu sheegay ciidamada wada dagaalamay inay ku wada sugan yihiin Deeganadii ay ku dagaalameen, xilli walibana ay suuragal tahay in dagaalka uu dib u qarxo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo, ayaa sheegaya in sababta Somaliland ula dagaalamayaan ay tahay in Somaliland ay diidan tahay midnimada Somaliya iyo inay ku soo xadgudubtay Deegaano ka tirsan dhulka Maamulka Khaatumo.

Saraakiisha Somaliland ayaa dhankooda hadal xanaf leh u marinaya Warbaahinta dhanka kale.

Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Maamulka Khaatuma, ayaa dhowr mar ku dagaalamay Deeganada Balicad iyo Kalabaydh oo ka tirsan Gobolka Sool.