DHAGEYSO:- Maamulka G/Banaadir oo ka warbixiyay sida uu u dhaqan galayo go’aanka Duqa Muqdisho

0

Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay iney meel Wanaagsan mareyso hirgelinta go’aanka Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho ee ahaa in Boorarka Af afka qalaad ku qoran lagu bedelo Af Soomaaliga.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay si dardar leh u socoto hirgelinta go’aanka Gudoomiyaha Gobolka.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in loo hiiliyo afka Soomaaliga isla markaana si wadajir ah loogu qeyb qaato hormarintiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa sidoo kale sheegay in ay fuliyeen amarka Gudoomiyaha qaar ka mid ah Maamulada Degmooyinka isla markaana ay aad ugu mahad celinayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-